SAWIRRO: Goolhaye Manuel Neuer oo isagoo biro ku boodaya ku aqal galay dalka Talyaaniga

Bulsha:- Goolhayaha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka Manuel Neuer ayaa isagoo biro ku boodaya ku aqal galay dalka Talyaaniga.

Manuel Neuer ayaa la aqal galay gabada uu dunida ka calmaday ee Nina Weiss, waxaana uu arooskoodu ka dhacay magaalada Bari ee waddanka Talyaaniga.

Goolwalahan ayaa intii uu ku mashquulsanaa aqal-galkiisa waxa uu xulkiisa qaranka Jarmalku 7-0 ku xasuuqay xulka San Marino, waxaana kulankaa saddexleey saxiixay Sandro Wagner.

Neuer iyo Nina Weiss ayaa jacayl wadaag ahaa muddo dheer iyadoo Nina ay ka soo muuqatay ciyaarihii koobka qaramada Yurub ee EURO 2016 oo ka dhacay dalka Faransiiska, waxaana ay u sacab-tumaysay markaas xiddigeeda ay dooratay.

Waxaa la filayaa goolhayaha xulka qaranka Jarmalka inuu dib ugu soo laabto garaamada xilli ciyaareedka soo socda kaddib dhaawac jab ah oo uu la maqan yahay.

Manuel Neuer ayaa cagta ka jabay kulankii Champions League ee kooxdiisa Real Madrid ay la ciyaartay Real Madrid.

SAWIRRO:









Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment