Bulsha:- Goolhayaha kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee dalka Jarmalka Manuel Neuer ayaa isagoo biro ku boodaya ku aqal galay dalka Talyaaniga.
Manuel Neuer ayaa la aqal galay gabada uu dunida ka calmaday ee Nina Weiss, waxaana uu arooskoodu ka dhacay magaalada Bari ee waddanka Talyaaniga.
Goolwalahan ayaa intii uu ku mashquulsanaa aqal-galkiisa waxa uu xulkiisa qaranka Jarmalku 7-0 ku xasuuqay xulka San Marino, waxaana kulankaa saddexleey saxiixay Sandro Wagner.
Neuer iyo Nina Weiss ayaa jacayl wadaag ahaa muddo dheer iyadoo Nina ay ka soo muuqatay ciyaarihii koobka qaramada Yurub ee EURO 2016 oo ka dhacay dalka Faransiiska, waxaana ay u sacab-tumaysay markaas xiddigeeda ay dooratay.
Waxaa la filayaa goolhayaha xulka qaranka Jarmalka inuu dib ugu soo laabto garaamada xilli ciyaareedka soo socda kaddib dhaawac jab ah oo uu la maqan yahay.
Manuel Neuer ayaa cagta ka jabay kulankii Champions League ee kooxdiisa Real Madrid ay la ciyaartay Real Madrid.
SAWIRRO:
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment