Bulsha:- Kaddib markii la wariyey dhowaan inuu Aabbe u noqday labo cunug oo mataano ah Cristiano Ronaldo ayaa baritiisa Instagram-ka soo dhigay sawirkaan hoose.
CR7 ayaa sawirkan isagoo feero qaawan isla markaana dul taagan barkadda lagu dabaasho ee qubeyska la wadaagay taageerayaasha 104-ta milyan ah oo uu ku leeyahay Instagram-ka.
Weeraryahanka kooxda Real Madrid ayaa wacdaro dhigay kulankii ugu dambeeyey ee xulkiisa qaranka Porugal uu guusha ka gaaray Lativa ee isreeb-reebka Adduunka, waxaana sawirkan uu u muuqday mid uu ku sugnaa barkadda lagu dabaasho ee Gurigiisa.
Sawirkan waxa uu Cristiano Ronaldo soo raaciyey qoraal kooban oo u dhignaa: ‘Is deji ku raaxayso muuqaalkan.’

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment