Madaxwayne Erdogan “Waa in la xaliyo khilaafka Khaliijka, ka hor dhamaadka Bisha Barakaysan ee Ramadaan


Bulsha:-  Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ku baaqay in la xaliyo khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Qatar iyo qaarka mid ah dalalka Khaliijka, ka hor dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan.

Madaxweyne Erdogan ayaa kula kulmay magaalada Ankara Wasiirka Arrimaha dibadda Baxreyn Sheekh Khaalid Bin Ahmed Al-Khaliifa, isagoo u sheegay in muhiim tahay in la xaliyo xiisada siyaasadeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mouloud Gawgishoglu ayaa sheegay in Turkiga ay sii wadeyso dadaalka ay ku xalineyso muranka u dhaxeeya dalalka Khaliijka.

Mr Gawishoglu ayaa sheegay saldhiga milateri ee Turkiga uu yahay mid amniga gobolka ka qeyb qaadanaya, balse aan aheyn mid quseeya amniga dalka Qatar.

Turkiga ayaa balan qaaday inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan Qatar, waxaana ay ku baaqeen in la qaado cunaqabateynta iyo go’doominta lagu haayo Qatar.

Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn iyo dalal kale ayaa xiriirka u jaray Isniintii la soo dhaafay dalka Qatar, iyagoo ka xirtay Hawada, Badda iyo dhulka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment