Bulsha:- Xildhibaanadda caanka ku ah Fashion-ka ee Muna Sheekh Khaliif Abuu (Muna Kay) ayaa ka sheekeysay Ganacsigeeda Dharka Fashion-ka ah iyo sida ay uga faa’ideysatay Xubnaha kale ee Baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaanad Muna Kay ayaa sheegtay inay aad uga maseereen Haweenka ku jira Baarlamanka Soomaaliya sida ay u labisato Maadaama ay tahay Gabar aad qurux badan, waxayna hada dhamaan qaateen dharka ay soo saarto shirkada ay leedahay.
Xildhibaan Muna ayaa sheegtay in dadka inta badan ay weydiin jireen Xildhibaanada labiskooda ma bedeleysaa? Maadaama ay ku jiraan kuwa badan oo dhalinyaro.
Waxay sheegtay in hablaha Xildhibaanada ah ay diidayaan in ay arkaan haweeney kale oo ka shidan, sidaasna ay ku qasabtay inay raadiyaan labis fiican, sidoo kale waxay intaa ku dartay in maamooyinka xildhibaanada ah ay iyaguna bilaabeen inay soo xertaan Cabaayado aad u qurux badan.
Wareysigaan ayaa waxay siisay Telefishinka Goob joog ee Magaalada Muqdisho waxaana uu ahaa wareysigii ugu horeeyay oo ay bixiso tan iyo markii ay xildhibaan boqotay.
Hoos ka Daawo Wareysiga Muna Kay
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment