24 saac gudaheed saddex ciyaartooy oo ka tirsan Real Madrid oo Guursanaya

Bulsha:- Ciyaartoyda kooxda Real Madrid ayaa ku jira waqti mashquul badan, maadaama 3 ka tirsan xiddahooda ay aqal galayaan.

Weeraryahan Alvaro Morata iyo saaxiibtiis Alice Campello ayaa ugu horreeya oo Jimcaha ku aqal galaya Venice ee Talyaaniga iyadoo saaxiibadiisa intooda badan ay ka soo qayb gali doonaan.

Lucas Vasquez iyo Macarena ayaa iyaguna Sabtida aqal galkoodu ka dhici doonaa Majahonda, Spain.

Waxaa kale oo isna isla Sabtida uu arooskiisu ka dhici doonaa Croatia laacibka kooxda Real Madrid Mateo Kovacic, laakiin waxaa suurtogal noqon wayeysay in 24 saac gudahood ay ciyaartoyda Real Madrid oo dhan ka wada qayb galaan 3 Aroos oo saddex meelood oo kala duwan ka dhacaya.

Mid walba oo laacibiintani ka mid ah horey ayuu u qorsheystay guurkiisa dhammaadkii sanadkii tegay 2016, sidaa darteed ayayna xilliyo isku dhow ugu soo aadeen.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment