Bulsha:- Ciyaartoyda kooxda Real Madrid ayaa ku jira waqti mashquul badan, maadaama 3 ka tirsan xiddahooda ay aqal galayaan.
Weeraryahan Alvaro Morata iyo saaxiibtiis Alice Campello ayaa ugu horreeya oo Jimcaha ku aqal galaya Venice ee Talyaaniga iyadoo saaxiibadiisa intooda badan ay ka soo qayb gali doonaan.
Lucas Vasquez iyo Macarena ayaa iyaguna Sabtida aqal galkoodu ka dhici doonaa Majahonda, Spain.
Waxaa kale oo isna isla Sabtida uu arooskiisu ka dhici doonaa Croatia laacibka kooxda Real Madrid Mateo Kovacic, laakiin waxaa suurtogal noqon wayeysay in 24 saac gudahood ay ciyaartoyda Real Madrid oo dhan ka wada qayb galaan 3 Aroos oo saddex meelood oo kala duwan ka dhacaya.
Mid walba oo laacibiintani ka mid ah horey ayuu u qorsheystay guurkiisa dhammaadkii sanadkii tegay 2016, sidaa darteed ayayna xilliyo isku dhow ugu soo aadeen.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment