SHEEKO JACAYL AH DAMAQ IYO XANUUN BADAN LEH

Bulsha:-  Dareen caashaq waa sahal

adigon digniin qabin ogow

danba kugu abuurme dambarkisu waadhaay

dad baa sheego waa malab

qof laba wajiliyoo dibin daabyo waa u cadqo

culumo dooday baa tiril

damiirkiisa waa sharaf

dawadiiisa waa guur

deeqdiisa waa ubud

waxe ahed goor casar liiq ah sacaduna ku beeganthaya 5:30pm qoraxduna sii lecayso dadka inta badan ay faraxsan yihiin gaar ahaan aniga jawiga waxu ahaa mi aad u dagan waxa dhaceysay saxan saxo aad u macaan galabtaan waxaisku diryaarinay inaa sawir xasuus aha la so galo qamar oo ah gabadha ii hibeysay nafteeda in in cabaar ah kadib waxa igu yimid gurigeega saaxibkeeyga sakariano runtina waxuu mid mid iigu kala dhigay qisadan jacel oo dhabta ah.

inta kadib waxa iksu dhiiri kaliyey in aan shaaaca ka qaado xaqa u jacelka leyahay maalin ayaa waxaa dhacday qiso layaab leh qisadaan waxe ku habsatay 2shaqsi oo ah jacey wadaag hadaba markii aad maqasho lamaane ruuxii wax garad ah durbo waxa kuso dhacaya 3daxeye balse tan qof kaliye looguma simin ee waa loo dad baasaday waxeyna isku dayen iney kala geeyaan waxaan arintaa ka damqatay oo soo dhax kashay gabar la yirahdo muniiro

sakariano waa ruuux ku lamana nafta deeqo taa ayadoo jirto ayay kulmen habeen kulan xiso badan xambarsanaa kuna beeray kuna beeray quluubtooda jaceyl daran kana soo butaacaya niyad saafi ah waxenya ku kulmeen jardin banaanka ku yala weyna yara fariisteen kuna bogteen arimohooda jaceyl oo sii balaaranaya gabardhi aya waxe la kulantay gabadhi bad baadisay jaceylkoda marka waxaa dhax martay sheeko aad loo wada daneynayay saacad kadib ayaa waxaa dhacday arin ku reebtay mahadho saxuus oo xisaabtisa wato run ahaantiii arintaa waxa ka xumaaday xaq dhowrayasha jacelka gaar ahaan waxa hadal kayiri sakariano eaa ereyo gaaban balse macno weyn xambarsan waana sidaan

guulow allahayo godob kaan aqono

galad iyo wangana keey ubuxdayow uma

gafin gacaladeeyda gar leexasho maan kalin

yartin maan ku haadinoo waalin iima gocanine

ilaah yaw igarab qabo jaceybaan ugoohee

iguhaadsahay anigee gabadhi jalaqsaneyd

geeraarkeedu i daalshay igu saacid guulow.

marka kadib sakariano waxu isku dhiri kaliye sideey ahaataba inuu ka guulesto codowgiisa jaceyl ee xanibay dhowr qorshe uu damac sana si kastaba ha noqotee maalin ayey kulmeen waxeyna isugu yimaaden xaafada muniiro markii aya ku sheeko dhamesteen ayaa la soo dhawyey deeqo laakin gurigeeda deeqo aya layaabtay fabadhaan u ah jacelkeda daacada ah runtii deeqo waxay ku dhalisay kalsooni aad u balaaran marna niyadeeda ma aysan gelin wax xumaan ah o ku aadan muniiro.

waxa dhab ah deeqo iney jaceshahay sakariano balse ay kala kulanto caqabado aad u fara badan waalidkeed iyo kuwa kalaba runtii hadii aan ruux ruux gacaloodo ma cudurba? mise jacelk wa kasnsar aan dawo lahayn? waad layaabta balse dadka qaar ayaa ka leh dana gaar jaceylka uma diidan ubadkooda inay ku guursadan jaceyl kana xakameeyaaan molosha macaankeda.

dhanka kale sakariano waa inin jaceyl dartii waxa walbo u awoooday inuu sameeyo hase yeeshe asagoo fakarayo oo ku dhax jira qolkiisa una daran radiyo u isku maawelinayay aya waxa kasoo burqaday hees caan ah ee hal aburay isla fananka ku luqeeyo ee c/daala yuusuf warsame hestaa ereyadeeda waxa kamid ahaa:-

hadaan wehelkeeygiyey xaqiiiqdi kuu waramo inaan

wax yeeliyoo xumaato wadaaagnoo jaceelykenaa kaween

dadbaa jira waalanooo hadey wax is raba arkaan

ukala wariyoo xumaan walaalaha kala dilee jaceylkeenaa

ka weyn wad iyo calaf waxaan ahayn

inay na kala waaciyaanoo jaceylkeena ka weyn

sakariano iyo deeqa wax dhax maray show aad u balaran o qof waliba si gooniyo ua hadlay sheekadi waxaa furay sakariano waxa doonayaa inaan ku mehersado oo aan soo gabagabeyo sheekadaan dheeraatay balsedeeqo ayaa waxe ku tiri ayadoo muujinayso arintaa niyad jab waxeyna ku tiri ” abowe dib nogu dhig maxaa yeelay wax walbo hubsasho ayay rabaan”. sakariano asagoo ka carooday ereyada ka soo yeeray deeqo run ahaanti aniga akaama filineyn arinka wxeyna igu riday kalsooni daro anigoo aad u gu kalsonaa jaceylkaaga balse deeqo oo qancneysa ayaa ku tiri ”dhabti gacaliye walidkee ayabalan ka qaday macaane wxaa dhacday hada ka hor aya iga sooo doontay walidkee nin dbibadeed waan diiday maxaa yeelay nin ka ma aheyn dooqeeyga markaas waalidiintayda waxe igu xireen shurud iyagoo wada jira waxeyna igu yiraahden waax aan kula ogeyn gabadheyniye hasameynin saman iyo xumaanba anigana wxan ku dhahay waa balan markaa kadib ayan ushey inaan la imaanayo ninkii aan rabo weyna igu wada raaceen balse adigon qald i fahmn gacaliye taa ogoo si kastaba ha noqatee’ sakariano waxa mesha ugu furantay sheeko murugo badan oo ku dhalisay inuusameeyo dadaal badan balse deeqo kama eysan eheyn ligooyo ey kudhibeyso sakariano balse wxaa oodhib dhib badan ku eheyd wacadki ay qaatay iyo arimaha kala soo kudboonaankaro waalidkeed deeqo oo fahansiineyso in aysan ka socon dhankeda carqalada jaceyl ee soo wajahday laamaaneheeda waxayna ka hadashay damiirkeeda iyo dhibtaan waxa kala gudboon

alla maan dhibtaa oo dhoobada ka hoos maro

ciidu mey ii hiiliso ifku waa dhib iyo hogee

waa hooyo colaadeeede maskiinkaan wx geysan

lagu qalbi dooorshee dhumuucdiyolixaadkiyo

lagu dhaanto naceyb daran hooheey dhalashadeediyee

sakariano waxu la yabay sida xun deeqo ay u muujisya kalsooni darada aad u bahsan balse waxuu ku qanciyay asagoo ku kalsoon ereyo soo jidasho mudan ooo faraxdageliyay qalbigeeda kuna beeray jaceyl dhaba oo hor leh:-

waa yahay jeceyloow wehel baan la hayoo

waan hubaa caashaqa inaan dhex kalay hogiiso

sida hooyo ubadkeeda ayaan kugu dhiradaa hadaan waayo

aragaa maseexdo habeenkii jacel ruux ku fidoo

ku faafaan ahee fadlan samirka kaasho

ana hadii aan ku naawilay calafku heygu kaa simo

intaa marku sakariano u mariyay waxaa isku dubay deeqo o niyad safi ah u hibeysay markaa ruxii sheega kamilicsado wuxuu koodi laaa dadkii looga danbeeyey jaceylka kuna reebay taarikh lama ilooban ah dunidan guurked aan dul joogno una geeryoodya jaceyl dartiisa boqorka jaceylka somaliyed ee cilmi ismaacil liban{ cilmi boodhari} muddo kabid wxa laa keenay gurigeeda deeqo ay ku nooleeyd waxana lagu balimiye beri kalb iyo xaafada muniiyo ok iyo by…… balse waxa indhaha saaray aabe xaashi oo aha deeqo abaheeda hasa yeese uma uusan muujin wax tuhum ah ayadana ma eysan fahmin

dhinaca kale waxaa hoos ka xanaqsan deeqo abaheeda oday xaashi ooo ahaa dadkii hore run ahaanti kuna dhaganaa dhaqanka iyo caadada ay soomalidu aaminsantahay balse deqo waxuu ku tixkaliyaa ooradiisa xaliimo ooo uu hadaladeeda ka hor imaan karin

waxuu waqtiga is daba yaacabo waxaa la gaaray xiligii balanta ay ku beegneyd sakaiano asagoo hilacayo ayuu yimid goobtii balanta waxaadba mooda inu soo yaradhaqsaday in cabar makii u joogay mise waxeyba indhihiisu qabteen ayada kaso muuqato meel usan filaneynin salaan macaan iyo gacmo is dhaaafsikadib waxy wada fariisteen jardiin ku hos yaal geed weyn marki in muda ah la nastay qof waibana uu sgaraar qaatay ayaa la bilabay sheeko goos goos ah o dacalka ku heyso in aqal cusub la yeelado sakariano baa yiri waxan u maleynayaa inaad wax walbo mar hore ka wada hadasheen diyaar ayan ku ahay inaan ku guursado, ereyada marku ku dhahy ayay deeqo u sheegtay mar labaad inay balan leeyihiniyada iyo waalidkeed gacaliye aniga maka cabsi qabo walidkey hadi aan usheego arimahena balse deeqo waa bini adan waalika sidaa sudaa aad u fakareyso in aysan kuula fakarin oo hami kale qado e sidee ku aamintay?…… gacali hada ka hor aya nin iso doontay anigana gashaanka ayan u duuray waalidkeyna iguma qasbin marka wax walbo taa ayaa cadeyn u noqon karto sakariano oo si dagani ku dheehan tahay ula dhhacay halka deo ayaa yiri

sidaa taya ubax udkoon badan ama dayax

soo bidhaabo ku baahay sadriga iyo labtiyo seedaha jirkeyga

oo dhan marwo aan adiga aheyn damci maayo abidkey

dooqeeyga kuu raacee ha duloobin deeqooy……

maalinta waxaa lesla meel dhigay in la wadaago nolasha waxeyna u balan qaday iney wax walbo ka go’antahay balse wax kasto iyo tilaabo walbo oo aad qaadi doonto calafka ayaa ka cudud weyn mararka qar waxaa dhacda inuu calfku kal geeyo lamaane is jecel calafku waa cadow aan la ogeen markuu ku soo marti rabo marna waxa dhacda in calafku kaa sooo galiyo baalka qof adn ku riyon abidkaa noqo mid ku faraxsan ama uu kuu rido niyad jab aad u weyn…

dhanka kale shukri waa hooyada labaad ee deeqo.(h/yarteeda) runtii marka lo fiiriyo deqo hooyadeed way ka madax adagtahay weyna ka kulushahay weyna ka go’an adagtahay in kastoo ay qadariso gabadheeda ay dhib la’anta dhashay ee deeqo, shukri waxe la calmatay deeqo iney ilmihisa hoyo u naqoto wiilkeda curadka ee yoonis laakin arkntaa shaaca kama aysan qaadin malin aad u qurux badan waxyna so beegsatay dhankii uu ka xigay hoyga walasheda ka yar waxaa shgri so dhaweeyay qooyskii oo idil haba ugu horeeyso gabadheda deeqo alla yaa usheega inay burburin rabto jaceylkeeda waxa lawada shekestaba axaa si gaar u frqay aday xaasshi , dumashdidii shugri oo ilinkii loowada mari lahaa ogeed walaal xaashiyoo maanta aniga wax aad u weyn uma anan imaan ee waxan wata rayi ila haboon run ahaantiina wad ogtahay in ay hada deeqo ay hantiyi karto hoyana noqan karto oo oori wacan marka waxaan rabay inaan idinka codsado in la isku daro gabadheyda deqo iyo wiilkeyga yoonis acdde warkii waxaa qatay odi xaashi dabcan waa war fiican balse waxaa ka dhex gashy deeqo hoyadeeda oo tiri xaashiyow waxa inaan weydiino deeo in ay dooneeso iyo in kale waxaa la oo boday weeydiiismo shugri oo xanaqsan balse deeqo hoyadeeda ooo laga iitaal roonaaday wey iska aamustay gartii isla goobti ayaa lagu gaba gabeyey {roona rabiyaa og} waa tiiranyo caashaq oo ku qasbi karto ine nolashooda qatar gasho hadii lala socodsiiyo balse dan bey u maqli doonaa dhagahooda

maalinta waxa guul lataaaban karto lasoo laabtay shugri waxeyna la socodsiiay qaraabada oo dhan in aroosku dhici doono mar dhaw hse yeeshee deeqo ayaa lala socodsiyay in la siin doono yoonis cadde dhabti inta ay ka intey ka gilgilinkarto wey ka dooday hase yeeshee wey iska rogi weysay heeryadaan lama filaanka ah deeqo waxey ku dul oysay hoyadeed balse andha uun beey ka fiirisay jabaqda iyo qeylida ka yeereeso ee deeqo iyo oohinta ba ileen waaa midi laba alfaa oo dhankii loo rogoba ku mudaya horaaloo yiri (ileen jaceylka wa nabar waa nudub calooleed oo lagama nuuxsado)

deeqo waxee u carartay qolkeedii waxeyna ku calaancashay tix geeraara oo aad u tabineysa ruuux ah dhibana jaceyl runtii katurjumeysa xaalaa cakiran iyo waabayada jaceylka

jaceyl waa wadkaago warmo kuu afeestoo

waabay qaraar iyo san uu kuuu walaaqo weel kugu shubayaa

dadka weli hor joogaa wuxuuu dilay usababoo qiyaamaha laweydin

waxuu waqtiga sii guruba waxa lagaray goor cad ceedu sii guduudaneeyso deeqo ooo aad moodo ruux waalan ayaa usoo miriqday gurigiii gacaliyeheeda sakariano balse intii ay dhax ku jirtay ayeey ka walwashay hadii aad ushegto maxuu kudhihi doonaa? ma aduu eed ku saari dooona? nasiib wanaag waxey la kulantay sakariano salaan diiran iyosoo dhaweeyn aad usareeyso kadib waxaa shakiyay sakariano oo layaaban amusnanta ku habsaday iyo fakirka kaliga ay ku tahay gacaliso aniga wax ha iga qarinin ee maxa dhacay mar labaad ayu ku celiyay shu’aashi kama usan helin wax jabaab ah hase yeshe deeqo oo shoogsan ayaa isku duubtay oo ka dalbaday cafis balse waxaa iska fujiyay sakariano ” na kalay dumarkina maxaad ragga moodeen wax ama shey aad ka sooo iibsateen suqa” deeqo adigo laqdabad kasameysa maxa lilaahi isaga keey dhigtay? intaad jacecy ben ah ad igu aburtay ayaa hadana i cafi ileedhay deeqo ayaa waxey runta tahay usheegtay sakariano

sakarianno ayaa weeydiyey eqo laakn side kugu aamina? deeqo oo mooday inu riwaayad ujilayo ayeey kudhahday ”sakariano meherkeygo waa balan waxana i guursan rabo wiilka habaryarteey ee yoonis cadde aniga raali kama noqan laakin waxaa arrintaa wata waalidiinteyda deeqo ma waxaan ilooba jeceylkeyga oo nool maya balse waxaad qalbigaaga gelisa inaan kujeclahay kuna sugayo molosheyda inta aan ifka joogo waxa so if baxayaa habeen kaa calaamada su’aal jaceyl oo aan la dhayalsan karin balse waxadeqo sogacan qabtay sakariano walaashi asaga aka weyn geysayna gurigeda halka uu sakariano isku dhx yaacay (murugo watanoo kale iyo mashaqo ciilked ruux aad jeceshahay oo la guursanayo) wx si waang leh u su’aashay walashi weyn ” aboowe maxa idinka dhaxeeyo oo ad lamurugsan tahay?” wuxuu ugu jabaabay cod aan garaw laheyn ”abaayo macna wan jeclahay in kale ayana gursanrabo ”

walaashe oo dhiri kalineysa ayaa marisay ereyo ka mid ah hees u ku luqeeyo fanaanka weyn e cumur dhule cali { cumar mahdi} rabi haugu deqo naxariista waxa ka mid aha ereydaa

galad iyo ayaan baa lagu gursadaa tallo ad kor feysaa

runta lagaga rabaa leyskuma gayaxa oo gees lagama eegtee

gar eexeyo adoon godob maaleyn hoowsha ila kal man

ama gooni naqooo aan kaa go’eee

inta kadib wuu gar waaqsaday sakariano hase yeeshe kaa goyn karo wax qalbiigisa kujira oo saacada waliba ku sii tarmaayo runtii waa taah iyo turaanyo caashaq

sakariano waalooga naxday in maalinta biri ah oo dhici doona arooska deeqo balse waxaan wel wel ahayn kuma si kordhin iyo fakar taxane ah alla baaxad sooraa hase ahate asagoo tabaleysan oo taaha iyo riinka ka baaayo uu uurku taalo kugu abureyso ayu ku wajihay adkeeysi iyo dulqaad (allahi dhib badan adoo jooga caashaq halagaa boloogo) sakariano asagoo wax tabanayo aya mariyey ereyadaan ku uur kadinaayo kanaturjumaayo ciladaan layabka leh
aduunyadu qaribanaa qarax iyo dhibaatiyo qalalaaso badana

qofka aan waraqdiyo qeylada udirayaa qalbigiisa adagaa

qarni tagay jaceylkii qeyr iyo cilmibadilay leeylana qabriga dhigay

anoo iyo qotadee tani wa qiso iyo yaab

qosolka iyo wiirada miyaa aniga la ii qoray

dhamaad

Qalinkii Fanax Fariid











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment