Bulsha:- Had iyo goor waxaan aflaamta ama qoraalo ingiriisi ah ku aragnaa ereyga “Ladies First” oo loola jeeda in dumarka la horumariyo iyada oo laga horumarinayo ragga, balse macnaha dhabta ah ee ka dambeeya in sidaas la yiraahdo ma’aha xishmad la xishmeynayo dumarka waxaase ku duugan halkaas sheeko kale.
Xagee laga soo min guuriyey ereygan sidee ayuuse ku yimid?
Isticmaalka ereygan ayaa u laabanayo qarnigii 18aad waxa uuna kasoo bilowday dalka Talyaaniga, qisadana waxa ay kasoo bilaabatay wiil iyo gabar u dhashay dalkaasi Talyaaniga.
WARAR DHEERAAD AH:
wiil ka dhashay qoys ladan oo reer Talyaani ah ayaa jaceyl xad dhaaf ah u qaaday gabar kasoo jeeda qoys nolol dhaxaad ku nool wiilkii iyo gabadhii xiriirkooda waxa uu socda waxa ay go’aansadeen inay is guursadaan waxa uuna wiilka arinkaas usoo bandhigay reerkiisa.
Wiilkii ayaa la kulmay dhibaatada ugu weyn ee uu noloshiisa wajahay kadib markii ay reerkiisa gaashaanka u daruureen hadalkiisa waxa ayna miinka u cuksadeen inay u fuliyaan balanka wiilkooda uu kasoo qaaday gabadhii uu saaxiibta la ahaa.
Wiilka waxa uu marlabaad isku dayey inuu reerkiisa ku qanciyo sidii ay ugu dooni lahaayeen gabadhaas balse isku day waliba oo uu sameeyey wey ka biyo diideen.
Ugu dambeyn wiilkii iyo gabadhii waxa ay go’aan ku gaareen inay isdilaan maadaama la isku diiday waxa ayna wada aadeen meel fagaaro ah kana baxsan magaaladii ay ku noolaayeen, Buur dheer dusheeda ayey damceen inay iska soo tuuraan, gabadhii ayaa damacday inay iyada soo boodo oo ay isa soo tuurto balse saaxiibkeeda ayaa ka diido waxa uuna u sheegay inuusan fiiri karin iyada oo kahor dhimaneysa waxa uuna go’aansaday inuu isaga kahor maro sidii ayuunsa sameeyey, balse gabadhii markii ay aragtay in wiilkii uu iska tuuray buurtii dheereed baqdin ayaa gashay nafsadeena wey siin weysay inay iska soo tuurto halkaas, dib ayeyna ugu soo laabatay halkii ay dagaanaayeen, muddo kadib waxa baratay wiil kale oo ay guursatay, dadkii daganaa halkaas ayaase oraah ahaan ka dhigtay in dumar ka loo horumariyo wax waliba oo la sameynayo sidaas ayeyna ku timid ereyga “Ladies First”.
Hadaba waxaan filayaa inaan wada garanay sababta dhabta ah ee ka dambeysay inuu fido hadalkaas, waxaana filayaa in dad badan oo aan garaneyn ujeedka ay hadda fahmaan kana fogaadaan inay u isticmaalaan oraahdaas amaan ahaan
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment