Pep Guardiola oo 50 milyan ku baadi goobaayo xidig u ciyaaro kooxda Tottenham kasoo lagu tilmaamo Roberto Carlos ka cusub.

Bulsha:-  Manchester City ayaa ku bixin doonto 50 milyan oo ganni si ay ula soo saxiixato daafaca danbeed ka midig ee kooxda Tottenham, ninka lagu magacaabo Kyle Walker waa marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee xagaagan soo socdo.

Tottenham iyo England danbeed kooda midig, waa mid kamid ah bartilmaameed yada macalinka kooxda City ninka lagu magacaabo Pep Guardiola, si uu ugu xoojiyo daaficiisa.

Pep ayaa kalsooni ku qabo inuu gacanta ku dhigi doono xidigaan waa sida lagu qoray wargeyska SunSport, Walker ayaa kala hadlay mustaqbalkiisa macalinka kooxda Spurs ninka lagu magacaabo Mauricio Pochettino iyo xiisahaay ay u qabto Kooxda City.

Daafacaan lagu magacaabo Walker ayaa u saxiixay Shan sano oo qandaraas ah kooxdiisa bishii September, isbuucii wuxuu qaataa 75 kun oo ganni.


Pep xidigaan wuxuu ku tilmaamay inuu yahay Roberto Carlos ka cusub, sido kale ninkaan wuxuu ku badali rabaa xidiga da’daa ee lagu magaabo Pablo Zabaleta.

Walker ayaa u ciyaaray kooxdiisa Tottenham 226 kulan halka uu qarankiisa England u ciyaaray 25 kulan.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment