Waxa ka socda Laascaanood iyo Gacan-Libaax oo markale ku baraya Muuse Biixi

Bulsha:- Dagaalo iyo duqeymo ayaa laga soo wariyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, halkaas waxaa ku dhintay oo la sheegay inay dishay duqeyntii ciidanka Somaliland u geysteen magaalada Laascaanood Allaha unaxariiste Abwaan Jaamac Kadiye oo kamid ah sugaanleyda Soomaalida gaar ahaan bahda gabayada.

Geerida Abwaannka ayaa dib u feyday in xaaladda magaalada Laascaanood ay tahay mid weli cakiran. Maamulka Somaliland waxaa dhawaan dhanka buurta Gacan-Libaax uga furantay xiisad kale, halkaas oo ay galeen kooxo hubeysan oo jabhad ku dhawaaqay, waxayna laayeen ciidan Booliska Somaliland ka tirsan waxay leexsadeen gaadiid waxayna ku kaceen afduub.

Muuse Biixi Cabdi iyo maamulkiisa illaa hadda tallaabo weyn uma qaadi dhanka buurta Gacan-Libaax oo gudaha maamulka ku jirta. Waxaa la sheegay in loo diray odayaal dhaqan iyo dad xal nabadeed ka raadiya kooxda, xitaa ciidan lama dul dhigin weli.

Dhawaan Muuse Biixi oo meel munaasabad ah ka hadlaayay wuxuu muujiyay walaaca la xiriira in xiisadaasi ay dib u dhigto damaca Somaliland ee soo saarista shidaalka, oo uu sheegay inay qorsheynayaan in horumar laga gaaro bisha December ee sanadkaan.

Taas bedelkeeda Laascaanood waxay maamulka Somaliland ku wadaan duulaan hubeysan iyo duqeymo. In Muuse Biixi uu Gacan-Libaax waan-waan la doono, Laascaanood duqeyn waxay dadka bareysa Muuse Biixi mar labaad.


Marka la isbarbar-dhigo labadaan ficil Biixi wuxuu wajahayaa eedeyn qabyaaladeed, quus iyo siyaasad xumo. Sheekadan waxaa ka eegayna laba dhinac, kuwaasi oo kala ah;

1. Eedeyn qabyaaladeed
Hoggaamiye Biixi waxaa lagu eedeynayaa inuu ku kacaayo ficil qabyaaladeysan oo uu si weyn uga leexday dhabihii hoggaaminta, maadaama uu Gacan-Libaax nabad la doonayo, Laascaanood-na uu rabo inuu milatari ahaan u xaliyo.

Labada dhinacba ciidan hubeysan ayaa maamulka ka horyimid laakiin sida muuqata isku xeer laguma dhaqin. Macno aan xisaab qabiil aheyn dadka ma siinayaan kala duwanaashahan.

Haddii dadka qaar dhihi lahaayeen tii hore ee Laascaanood ayuu wax ka bartay Muuse oo ma rabo inuu dagaal kale doorto, waxaa ka hor imaaneysa su’aasha ah muxuu weli Muuse u dooranayaan inuu Laascaanood dagaal ku xaliyo?.

2. Tabar-darro
Somaliland muddo ka badan toddoba billood ayay Laascaanood ka joogta banaanka. Awoodeeda ciidan iyo mideedda siyaasadeed labaduba waa u saamixi waayeen inay ku laabato gudaha Laascaanood.

Khubarada amniga waxay sheegayaan in haddii Gacan-Libaax dagaal lala aado oo haddana laga keeni waayo wax libin ah, inuu maamulka halis ugu jiro inuu ciidan ahaan u fashilmo, taas oo meesha ka saareysa awooddii uu Muuse lahaa waa dhisnay.

Waxaa kadibna sahlanaan doonta in ciidan ahaan si deg deg ah loogu soo dhiirado maamulka, sidaas darteed dadka qaar eedeynta qabyaaladeed ee Muuse Biixi ku wajahan waxay ku kabayaan quus dhinaca ciidanka ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment