Al-Shabaab oo la wareegtay 60 boqolkiiba maamulka gobolka Mandhera ee Kenya

Bulsha:-  Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha in ka badan 60% is-maamulka Mandheera ee gobolka waqooyi Bari ee dalka Kenya, waxaa sidaas shaaca ka qaaday barasaabka gobolka.

Barasaabka Mandheera Maxamed Aadan Khaliif ayaa dowladda ka codsaday inay qorto oo ay hubeyso dadka deegaanka, si ay gacan uga gaystaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Khaliif ayaa sheegay in kooxda ay si tartiib ah ugu sii xoogeysaneyso gobolka, islamarkaana ay hadda maamulaan in ka badan kala bar dhulka gobolka ee ku teedsan xuduudda Soomaaliya

“Al-Shabaab hadda kadib ma ahan koox quus ah, sababtoo ah dhaq-dhaqaaqyadooda gobolka waa ay sii kordhayaan maalin kasta. Waxaan xaqiijinayaa in maleeshiyada ay maamusho dhul baaxad leh oo ka mid ah Waqooyi Bari Kenya,” ayuu yiri Khaliif.

Barasaabka ayaa intaas ku daray in Al-Shabaab ay hadda maamusho 60 boqolkiiba dhulka Mandheera, wuxuuna sheegay in xalka kaliya ee looga saari karo ay tahay in shacabka la hubeeyo, si ay ula dagaalamaan.

“Waxaan u baahannahay in dadka deegaanka la qoro si aan meesha uga saarno, haddii kale kuma guuleysaneyno dagaalka aan kula jirno kooxdan argagixisada ah,” ayuu yiri barasaabka.

Waxa uu ku eedeeyay amni darrada ka sii dareysa ee gobolka in ay sabab u tahay isku xirnaanshaha liita ee hay’adaha kala duwan ee amniga ee gobolka.

“Waxaa fiday fal-dambiyeedka Al-Shabaab. Ma awoodo in aan ka dhabeeyo ballan-qaadyadaydii doorashada ee aan u sameeyey dadka deggan degmadayda, amni-darrada darteed. Dawladeydu ma awooddo in ay adeegyo ku bixiso meel ka baxsan xarunta, waxaana sabab u ah waddooyinka aan la mari karin, kuwaas oo xaaladdooda liidata ay si weyn uga qayb qaadatay amni-darrada,” ayuu yiri Khaliif.

Waxa uu sheegay in cabsi xooggan ay soo wajahday dadka deegaanka, oo xitaa aysan hadli karin.

“Qaarkood waxay ka baqayaan inay wadaagaan macluumaadka ku saabsan joogitaanka al-Shabaab sababtoo ah had iyo jeer waxay la kulmaan cawaaqib xun,” ayuu yiri barasaabka. 

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dowladda in ay dib u furto xadka Soomaaliya. Waxa uu sheegay in sidoo kale ay kooxaha nabad diidka ah ay dhaqaale ka aruurinayaan dadka ku dhaqan gobollada ku dhow xadka. 


“Ma ahan in aan isku dhiibno Al-Shabaab, sidoo kale yeynan dib u dhigin in aan dib u furno xuduudaheenna, waayo haddii aan sidaas sameyno, waxaan u hoggaansameynaa dalabkooda, wayna sii wadi doonaan lacagihii ay ka ururinayeen dadkeenna,” ayuu yiri Khaliif.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment