Sawirro: Ciidamada cusub ee ilaalada xarunta gobolka Banaadir oo lasoo bandhigay

Bulsha:- Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir lagu soo bandhigay ciidamada cusub ee amniga xarunta, si ay uga hortagaan weerarada kooxda Al-Shabaab oo kal hor bartilmaameed ka dhigatay.

Ciidamada maanta lasoo bandhigay ayaa noqonaya kuwii ugu badnaa ee xarunta maamulka gobolka Banaadir loogu tala-galay amnigeeda inay ilaaliyaan.

Bandhiga ciidamadan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, guddoomiye ku-xigeenka amniga, siyaasadda maamulka gobolka iyo masuuliyiin kale.

Bandhigan ayaa la sheegay inuu qeyb ka ahaa dardar-gelinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, iyada oo ciidamada ilaalada ah la faray inay muujiyaan foojignaan dheeri ah.

Xarunta maamulka gobolka ayaa horraantii sanadkaan waxaa weerar ku qaaday dagaal-yahaano ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo dhimasho iyo dhaawac geystay, waxayna ciidamada lasoo bandhigay kaalin mug leh ka qaadan doonaan amniga xarunta.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale iyo Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay dardar-galinta amniga xarunta dowladda hoose ee Xamar, kaasi oo uu ku wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga, siyaasada maamulka gobolka.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa taliyaha cusub ee ciidanka Birimadka Booliska Soomaaliyeed ayaa Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya waxa ay fareen saraakiisha ciidanka ilaalada xarunta dowladda hoose in ay muujiyaan foojignaan dheeri ah.


Sidoo kale waxay ku bogaadiyeen sida dhiiranaanta leh oo ay u fashiliyeen weerarkii dhicisoobay oo ay argagixisada 22-January ee sanadkaan kusoo qaadday xarunta gobolka Banaadir.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment