Bulsha:- Wakiilo ka socda Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wadahadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF), sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii, kaddib saddex bilood oo dagaal uu dhexmaray ciidammada iyo RSF.
Wadahadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta.
Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.
Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.
Reuters.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment