Trump oo lagu soo oogay dacwad la xiriirta sir qaran oo gurigiisa laga helay

Bulsha:- Xeerbeegti heer federaal ah oo ku sugan gobolka Florida ayaa Khamiistii ku soo oogtay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump dacwad la xiriirta inuu gurigisa u qaatay sir qaran oo xasaasi ah, kadib markii uu ka tagay Aqalka Cad.

Waaxda Cadaaladda ayaa ku wargelisay Trump in dacwad lagu soo oogay, waxayna ka codsatay inuu kasoo muuqdo maxkamaddii ugu horreysay ee Miami maalinta Talaadada ah, sida uu madaxweynihii hore ku xaqiijiyay bartiisa bulshada.

"Maamulka Biden ee musuqmaasuqa ah ayaa ku wargeliyay qareennadayda in la igu soo oogay dacwad la xiriirta sanaadiiqdii been abuurka ahaa," ayuu Trump ku qoray bartiisa shabakadda Truth, isaga oo tilmaamaya sanduuqyo dukumeenti ah oo FBI-du ay ka qabatay gurigiisa ku yaalla Florida bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.

Eedeyntan ayaa ah mid aan weli la faahfaahin, balse toddobo ka mid ah warbaahinta Mareykanka oo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in ay ku jiraan dambiyo kala duwan.

Eedeynta ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii ugu horreeyay ee hore ee maxkamad federaal ah dacwaddiisa loo diro.

Baaritaankii FBI-da ee gurga Trump ee Mar-a-Lago ee bishii Agoosto ee la soo dhaafay ayaa horseeday in laga helo inka badan 100 dukumeenti sir ah.


Warbixintan waxaa diyaariyey Maxamed Cabdi Sandheere.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment