Daawo: Wiil dhalinyaro ah oo lagu gowracay magaalada Muqdisho

Bulsha:- Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo ka dhacday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii wiil dhalinyaro ahaa lagu gowracay xaafadda Barwaaqo oo ka tirsan gudaha degmadaas.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray, Cabdicasiis Axmed Maxamuud ayaa kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana meydkiisa, isaga oo la bireeyay lagu arkay isla xaafaddaasi.

Qaar kamid ah ehellada oo la hadlay Somali Cable Tv ayaa sheegay in Cabdicasiis uu ahaa wiil dhalinyaro ah, sidoo kalena uu ahaa xerow raacda Kutubada Cilmiga Diiniga ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen in marxuumka la waayey labadii maalmood ee lasoo dhaafay, isla-markaana gelinkii dambe Jimcihii isag oo mayd ah laga helay meelo geedo ah oo ka tirsan isla xaafadda Barwaaqo ee degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah ehellada oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable ayaa shaaca ka qaaday in aysan garaneyn sababta loo dilay wiilkooda iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba.


“Ninkan hadda wax kale oo aan korkiisa ku aragnay malaha, laakiin mindi ayaa dhuunta ku tiilay ma la yaqaano waxa dilay iyo cid aan xitta shaki ka qabno ma jirto” ayuu yiri mid kamid ah ehellada marxuumka oo la hadlay Telefishinka Somalia Cable.

Ehellada ayaa sidoo kale farriin u diray dowladda Soomaaliya, waxayna dalbadeen in baaris lagu sameeyo dhacdadaasn, si gacanta loogu soo dhigo dadkii ka dambeeya dilkaasi.

“Waxaan dalbaneynaa in si cadaalad ah naloogu baaro wixii dhibkaas marxuumka u geystay,” ayay tiri hooyo kamid ah ehellada marxuumka la gowracay.

Sidoo kale Macallin Axmed Sheekh oo ah Shiikha kitaabada cilmiga u aqrin jiray marxuumka ayaa ka sheekeeyay shaqsiyadda marxuum Cabdicasiis Axmed Maxamuud.

“Ugu yaraan 5 sanno ayuu ila joogay oo aan wax u aqrinaayay nin wuxuu ahaa cilmiga heer fiican ka gaaray koley isagoo xaafadiisa iska jooga oo aan nabad-gelyo ku ognahay ayaa waxaan aragnay isaga oo meel yaalla oo la gowracay” ayuu yiri Macallin Axmed Sheekh.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa maanta lagu aasay, qabuuro ku yaalla magaalada Muqdisho, ayada oo dadweyne kala duwan oo ka xumaa dilkiisa ay ka qaybgaleen aaska.

Halkaan hoose ka Daawo



Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment