Wasiir Uureeyay Ku-xigeenkiisa iyo Arrintaas oo Buuq Ka Dhex Dhalisay Dowladda

Bulsha:- Wadanka Dimuquraadiga ah ee Gongo ayaa waxaa ka dhacday arrin dhif iyo naadir ah, taas oo baraha bulshada hadal heyn badan ka abuurtay, kadib markii saxaafadda dalkaas ay baahisay in wasiir ka tirsan dowladda uu Uur u yeelay ku-xigeenkiisa, taas oo noqotay mid siweyn hadal heyn u abuurtay.

Tony Nwaba oo ah wasiirka waxbarashada dalkaas ayaa falkaan galmada ah kula kacay Aminata Namasia oo ah wasiir ku -xigeenka waxbarashada dalkaas, sida uu bartiisa Twiter-ka uu ku qoray saxafi u dhashay dalka Gongo, isaga oo sheegay inaan madaxda lagu aamini karin la shaqeynta Dumarka.

Labadan nin ayaa dhaleecayn culus kala kulmay muwaadiniinta DRC, iyadoo lagu eedeeyay inay muujinayaan dhaqan xumo iyo inay muujinayaan akhlaaq xumo dalka ka jirta. Arrintaan ayaa noqotay mid aad bulshada u dhexe qaadaya falka uu ku kacay wasiirka waxbarashada Tony Nwab.

Archy Lema, oo ah muwaadin u dhashay DRC, isla markaana isticmaala Twitter-ka ayaa yiri, “DRC waa waddan ceeb ah, dhaqankoodu waa inuu ahaado mid aad u wanaagsan oo sharaf leh, gaar ahaan maadaama ay aad caan u yihiin oo ay hodan yihiin” ayuu yiri suxufiga baahiyay sheekada Uurka.


Aminata Namasia, waxa ay ahayd Abriil 12, 2021, waxa loo magacaabay Wasiir Ku Xigeenka Qaranka Gongo ee Waxbarashada Hoose, Sare iyo Farsamada ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah  oo hoos imanaysa golaha wasiirada Jean-michel Sama Lukonde, Ra’iisulwasaaraha dalka Gongo.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment