Bulsha:- Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Dowlada Federaalka Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa markii ugu horreeysay tegay Magaalada Laascaanoodtan iyo markii uu dagaalka ka billaawday
Wasiirka ayaa kulan La qaatay Shacabka Reer Laascaanood, isaga oo kala hadlay dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Magaalada Laas-Caanood iyo degaannada hoostaga.
Wasiirka ayaa waxaa lagu wadaa in uu booqdo xarumaha muhimka ah ee Magaalada, kaas oo uu saameeyay dagaalka magaalada laas-caanood.
Magaalada Laas-Caanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka ee SSC.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment