Somaliland oo SSC ku eedeysay iney ka carqaladeysa xuska 18-ka May

Bulsha:- Somaliland ayaa war ka soo saartay dagaalkii xoogganaa ee saaka ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, iyadoo dagaalkaasi uu sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

War saxaafadeed ay soo saartay wasaarada Gaashaandhigga Soamliland waxa ay ku sheegtay in kooxo huwan ah ay duulaan kusoo qaadeen ciidanka Somaliland, xili ay ku guda jireen dabaal daga xuska maalinta 18-ka May.

Qoraalka wasaarada waxaa kaloo lagu sheegay in saddex jiho laga soo qaaday weerarkan, kooxo argagixiso ah ayey sheegeen iney qeyb ka ahaayeen dhinacyadii ku lugta lahaa dagaalka.

“Ciidamada huwanta oo saddex jaho oo kala ah galbeedka magaalada ee Xargaga, bariga magaalada ee Maraaga iyo aagga Dhaban-saar ka soo weeraray ciidanka Qaranka Somaliland iyagoo la kulmay jab aanay mahadin oo ay xasuusan doonaan muddo dheer” ayaa lagu yiri war-saxaafadedka.



Si kastaba, muddooyinkii u dambeeyay xaaladda Laascaanood ayaa ahayd mid deggan, inkastoo mas’uuliyiinta labada dhinac ay hanjabaadyo isku marinayeen warbaahinta.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment