Hay'adda NISA:- oo sheegtay inay fashilisay weerarro qorsheysan oo ay Al-shabaab ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda

Bulsha:- Hay'adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda ee NISA ayaa sheegtay inay fashiliyeen weerarro qorsheysan oo Al-Shabaab ay ku qaadi lahaayeen Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho, isla markaana ay gacanta ku dhigtay jaakadaha qaraxyada iyo bajaaj lagu fulin lahaa weerarkaas.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ee dowladda Federaalka, laamaha amniga ayaa fashiliyay weerarkaas bishan May.

"NISA ayaa la socotay dhaqdhaaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo" ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda.

"Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho" ayuu raaaciyay bayaanka dowladda federaalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment