Dowladda Soomalaiya oo shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiga sare

Bulsha:- Wasaarada waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee xukuumada Soomaaliya ayaa shaacisay xiliga rasmi ahaan la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare oo ay sanad waliba qaado dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaarada ayaa lagu sheegay in 27-ka bishaan May la qaadayo Imtixaanka, iyadoo Ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda laga dalbaday in loo diyaar garoobo Imtixaankan.


“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare wax ay shaacineysaa in la qaadi doono Imtixaanka Qaranka ee Dugsiyada Sare ee Dalka 27-ka May 2023” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Si kastaba, Imtixaankan ayaa noqonaya midkii labaad ee la qaado mudada uu xafiiska fadhiyo madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud oo talada wadanka qabtay 15-kii May sanadkii 2022.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment