DF SOMALIA oo shaacisay inay ka guureyso gargaarka caalamiga, una guureyso…

Bulsha:- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Beene-beene ayaa shaaciyay in dowladda Xasan Sheekh iyo Xamza ay ka go’an tahay in laga gudbo gargaarka oo loo guuro dhanka horumarinta.

“Markasta laguma jiri karo gargaar, oo waxaa lagu xalin karaa xaalada deg deg ah oo markaas jirta. Marka waxaa dowladda ka go’an in aan u guurno dhanka horumarinta, oo aan ka shaqeyno wixii nolosha dadka iyo horumarka ka shaqeynaya,” ayuu yiri Wasiir Beene-Beene.

Wasiirka oo hadalkaan ka sheegay Madasha Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka qabsoomtay Muqdisho, ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda ay qorsheynayso inay si toos ah u fuliso mashaariicda, si isla-xisaabtanka la xiriira arrintaan uu hirgalo.

“Ma dhahayno hal mar ha laga soo wada guuro laakiin waxaa rabnaa inta aan ku jirno sanadkaan, in qeyb kamid ah boqolkiiba ay fuliso dowladda, oo hadhoo loo soo guuro 100%,” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya

Sidoo kale waxa uu sheegay in la gaaray xilligii si tartiib ah loogu soo guuri lahaa nidaamka dowliga ah, si looga guuro gargaarka oo loogu guuro dhanka horumarinta, “Dalkaan si meel fog u gaadho waxaa naga go’an in loo guuro dhanka horumarinta, oo kor loo qaado isticmaalka nidaamka dowliga ah.”


Madashan Iskaashiga horumarinta Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo  ay soo qaban-qaabisay wasaraadda qorshaynta, maal-gashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, ayaa ah hannaan cusub oo wada-shaqayneed oo u dhaxeeya dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha.

Si kastaba. Madashan oo ay hor-kacayso dawladda Soomaaliya ayaa waxaa qeyb ka ah bulshada caalamka ee taageera horumarka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka ah iyo sidoo kale daneeyayaal kale oo caalami ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment