Daawo: CC Shakuur oo weerar culus ku qaaday duqa Muqdisho?

Bulsha:- Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo sidoo kale ah ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa si cajiib ah uga fal-celiyay tallaabadii uu dhowaan qaaday guddoomiyaha gobolka Banaadir, kadib markii uu uleeyay dhalinyaro ku caaweyneysay xeebta LIido ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Cabdiraxmaan Cabdishuur oo bilaabay Barnaamij uu ugu magac daray Wacyi ayaa ciwaan uga dhigay “Dhalinyarada Liido lagu budeeyey, Diinta iyo Dawladnimada ma u dawaa mise waa u daran?”

Xildhibaanka ayaa si dadban u weeraray guddoomiyaha gobolka Banaadir oo isagu hoggaaminayay howlgalkii ka dhacay agagaarka xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in qofka mas’uulka uusan isku noqon karin sharci dajiye iyo in isla isagii uu ciqaabo eedeysanaha ama dambiilaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Qof isagii sharci dajiye ah oo waxaan inay xun yihiin tilmaamaayo waxa laga sameynaayo oo ciqaab ah dajinaayo ka bacdi fulinaayo qof isku noqonaayo ma jiro, waana xadgudub” ayuu yiri Xidlhibaan Cabdishakuur oo ka falceliyay tallaabadii uu qaaday Yuusuf Madaale.


Waxa kale oo uu intaasi ku daray in madaxda dowladda guud ahaan looga baahan yahay adeeg dowladeed iyo inay cadaalad u sameeyaan dadweynaha Soomaaaliyeed.

“Dadka madaxda ah waxaa laga rabaa heerkay rabo ha’ahaato dadka waxa ay ka rabaan wixii ay u dirsadeen waxay u dirsadeen maxaa waayey” waa adeeg iyo cadaalad” ayuu yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo sharciga iyo kala dambeynta, isla-markaana ay hay’ad kastaa gudatio waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo todobaadyadii lasoo dhaafay uu Duqa magaalada Muqdisho hoggaaminayay howlgallo laga sameeyay xeebta Liido iyo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagula dagaalamayay maandooriyaha iyo goobaha lagu sameeyo dhaqan xumada ee caasimada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment