Codeynta doorashada ku celiska ah ee Turkiga oo bilaabatay

Bulsha:- Muwaadiniinta Turkida ah ee qurba-joogta ah ayaa Sabtida maanta ah bilaabay in ay codkooda ka dhiibtaan doorashada kala reebtada ah ee madaxtinimada Turkiga taasi oo ay ku herdamayaan Madaxweyne Reccep Tayyib Erdogan iyo hoggaamiyaha mucaaradka Kemal Kilicdaroglu, oo doonaya in uu soo afjaro xukunka madaxweynaha ee labaatanka sano uu dalkaasi maamulayay.

Doorashada ku celiska ah ayaa Turkiga ka dhaceysa 28-da bishan oo ku beegan Axadda danbe, waxayna timid ka dib markii Erdogan uu waxyar uun ka hoos maray tiradii loo baahnaa oo ahayd in ka badan %50 (konnton boqolkiiba) taasi oo u saamixi lahayd in uu ku guuleysto tartankii ugu adkaa ee uu waligiis galo.

Ilaa 3.4 milyan oo qof oo Turki ah oo qurba-joog ah ayaa xaq u leh in ay codkooda dhiibtaan, iyagoo ka mid ah 64 milyan oo qof oo ka codeynaya guud ahaan doorashada dalkaasi. Qurba joogta ayay codeyntoodu socon doontaa 20-ka illaa 24-ka bishan.

Wakaaladda wararka ay dowladdu leedahay ee Anadolu ayaa warisay in codeyntu ay ka bilaabatay dalal badan oo ku yaalla Aasiya iyo Yurub. Jarmalka oo ah halka ay ku nool yihiin diyaasbarada ugu badan ee Turkiga ayay 1.5 milyan oo qof oo Turki ahi xaq u leeyihiin in ay codkooda dhiibtaan.

Doorashadii Axaddii hore ayaa xisbiga Erdogan ee talada haya ee AK Party iyo xulufadiisu waxa ay ku guuleysteen aqlabiyadda baarlamaanka dalkaasi.

Kilicdaroglu, oo ah murashaxa isbahaysiga mucaaradka ah ee lixda xisbi, ayaa helay codad dhan 44.88%, isagoo ku soo xigay codadka Erdogan oo gaarayay 49.52%, iyadoo Erdogan uu been ka dhigay ra’yi aruurinno soo baxay oo muujinayay in ninka ay is-hayaan uu ka badin doono.


Indhaha ayaa hadda lagu wada hayaa Sinan Ogan, oo ah musharraxa kaalinta saddexaad galay oo helay 5.17% taageerada dadweynaha. Go’aan kasta oo uu ku taageerayo mid ka mid ah labada musharrax ee isku soo haray ayay suurtogal tahay in ay guusha siiso musharraxaasi.

Khudbadihiisa ayuu hadda Kilicdaroglu xoogga ku saaraa qaxootiga dalkaai jooga, isaga oo dowladda ku eedeeyey in toban milyan oo qaxooti ah ay u oggolaatay in ay dalka joogaan, waxaana uu sheegay in haddii uu guuleysto uu dhammaantood dib u celin doono.

Ma uusan bixin wax caddayn ah oo ku saabsan tirada muhaajiriinta dalkaasi jooga.

Turkey ayaa ah dalka koowaad ee martigeliya tirada ugu badan ee qaxooti ah oo dhan afar milyan sida ay sheegeyso tirada rasmiga ah ee ay dowladdu faafisay.

Ogan ayaa ku ololeeyey in uu dib u celin doono qaxootiga oo ay ku jiraan 3.6 milyan oo Suuriyaan ah oo ka soo qaxay dagaalka Suuriya.

Erdogan ayaa sheegaya in uu yahay kan kali ah ee badbaadin kara Turkey oo ah dal xubin ka ah gaashaanbuurta NATO, xilli qiimaha maciishaddu uu aad u kacay, sicir bararkuna uu aad u sarreeyo, uuna u dheer yahay saameynta dhul-gariirkii dalkaasi ku dhuftay bishii February.

REUTERS










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment