Indonesia oo laga qaaday marti-gelinta Koobka Adduunka ee da'yarta

Bulsha:- Xiriirka Kubadda Cagtada Adduunka ee FIFA ayaa Arbacadii shalay ka xayuubisay dalka Indonesia xuquuqdii ay ku martigelin lahaayeen Koobka Adduunka ee 20 jirrada sanadkan, sababo la xiriira inay ku guuldareysatay inay kasoo baxdo ballanqaadkeedii tartanka.

Go’aanka Indonesia looga mamnuucay in lagu qabto ciyaarahan oo billaabanaya May 20-keeda, soconayana ilaa June 11-keeda, ayaa la gaaray kadib markii xiriirka kubadda cagta ee dalkaas ee (PSSI) uu sheegay in la kansalay kadib markii jasiiradda Bali ay diiday in uu martigeliyo xulka qaranka Israa’iil oo ciyaarahan u soo baxay.

"FIFA waxay go'aansatay, xaalada jira awgood, in Indonesia laga saaro martigelinta Koobka Adduunka ee FIFA U-20 2023," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay FIFA.

Dibad-baxayaasha ayaa bishan gudaheeda socod ku maray caasimadda Jakarta iyagoo lulaya calamada Indonesia iyo Falastiin, waxayna dalbanayeen in Israa’iil aan loo oggolaan inay ka qaybgasho.


Luminta xuquuqda martigelinta ayaa dib u dhac weyn ku noqon doonta Indonesia, halkaas oo kubbadda cagta ay ku leedahay taageerayaal aad u badan, inkastoo guulo caalami ah aanu waddankaasi ka gaarin tan iyo markii ay u soo baxeen Koobkii Adduunka 1938 xilligaas oo ay ku jireen maxmiyaddii Dutch East Indies.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment