Mareykanka oo Ukraine ugu deeqay gargaar militari oo dheeraad ah

Bulsha:- Mareykanka ayaa Jimcihii ku dhawaaqay kaalmo cusub oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, taasoo dhan $400 milyan, sida uu sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Antony Blinken.

Blinken ayaa sheegay in kaalmada militari ay ka koban tahay rasaasta madaafiicda goobta nooca loo yaqaan HIMARS ee uu Mareykanku ugu deeqay Ukraine iyo sidoo kale rasaasta taangiga Bradley, gawarasida gaashaaman, hubka wax bur-buriga iyo qalabka dayactirka.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan ay sidoo kale qeyb ka yihiin taagero dhinaca tababarka ciidamada Ukraine.

Blinken ayaa intaas ku daray in madaxweyne Binden aanu oggolaasho uga baahneyn Congress-ka si uu ugu wareejiyo qalabka iyo adeegyada kaydka Mareykanka ee ay Ukraine u baahan tahay inta lagu jiro xaaladda degdeg ah.

Marka lagu daro xirmadan ugu dambeysay, Mareykanka ayaa hadda Ukraine siiyay in ka badan $32 bilyan oo gargaar militari.


Wadamada Midowga Yurub ayaa sidoo kale ka shaqeynaya sidii ay kumannaan madfac u gaarsiin lahaayeen Ukraine, iyadoo ay ku baxayso barnaamij ku kacaya 1 bilyan oo doolar.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment