Caasimada Jakarta: dab ka kacay keyd shidaal ayaa waxaa ku dhintay 17 qof

Bulsha:-Dab xooggan ayaa fiidnimadii Jimcaha ka kacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in dabku uu ka kacay keydka shidaalka ee Plumpang, oo ay leedahay shirkadda tamarta dowladda ee Pertamina.

Muuqaal ay soo gudbisay warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay boqollaal qof oo ku nool xaafadda ay dadku ku badan yihiin oo argagaxsan, halka dabdamiskuna ay ka shaqeeyeen daminta dabka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ay sheegeen in 50 kale oo ka mid ah dadka deegaanka la dhigay isbitaalka, kuwaas oo qaarkoodna ay si daran u gubteen.

Waxay sheegeen in inka badan 600 oo qof la daadgureeyay tan iyo markii uu dabku kacay abbaare 8-dii fiidnimo waqtiga maxaliga ah.


Iis Iswanti oo joogtay Isbitaalka Koja, ayaa VOA u sheegtay in wiil ay habaryar u tahay uu ku jiro waaxda gargaarka degdegga ah ee ICU, kaas oo ay sheegtay in 90% uu jirkiisu gubtay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment