Difaaca Kooxda Paris Saint-Germain Achraf Hakimi oo lagu soo oogay dacwad kufsi

Bulsha:- Difaaca Kooxda Paris Saint-Germain iyo dalka Morocco Achraf Hakimi ayaa lagu soo oogay dacwad kufsi, waxaa sidaas maanta AFP u sheegay dacwad-oogayaasha Faransiiska.

Hakimi, oo 24 jir ah, ayaa waxaa Khamiistii su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha, kuwaas oo la xiriiray eedeymo ka yimid haweeney 24 jir ah, waxaana kadib lagu soo oogay dacwad.

Cayaaryahanka ku dhashay magaalada Madrid, ayaa muhiim u ahaa dadaalkii taariikhiga ahaa ee Morocco ay ku gaartay semifinal-ka Koobkii Adduunka ee sanadkii tegay lagu qabtay dalka Qatar.

Waxaa saaka lagu arkayey tababarka kooxda PSG. Kooxda PSG oo ay xiriir la sameysay AFP, ayaan jawaabin.

Hakimi ayaa lagu eedeeyey inuu haweeneyda eedeysay siiyey lacag si ay gurigiisa ugu soo safarto, xilli xaaskiisa iyo caruurtiisa ay dalxiis ku maqnaayeen.

Hakimi ayaa Isniintii ka qeyb-galay xafladda FIFA Best oo lagu qabtay Paris, waxaana uu ka mid noqday liiska FIFPro ee 11-ka xiddig ee sanadka.


Cayaarihii Koobka Adduunka ee Qatar, Hakimi wuxuu laf dhabar u ahaa xulka Morocco oo noqday kii ugu horreeyey ee Carab iyo Afrikaan ah ee abid gaara afar dhammadka Koobka Adduunka.

Sida uu qabo sharciga Faransiiska, in dacwad lagugu soo oogo lagama maarmaan kama dhigeyso in kiiska uu maxkamad gaari doono.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment