Daawo:- Cunug yar 10 sano jir ah oo dhac yaab leh ka geystay Bangi ku yaalla Hannover

Bulsha:- Ilma yar oo 10 sano jir ah ayaa la sheegay inuu shalay dhac ka geystay xarun Banki oo ku ku taalla bartamaha magaalada Hannover ee gobolka Niedersachsen.

Boorso yar ayuu watay, wajigana wuu qarsaday, haweeney bankiga joogtay ayuu handaday, isagoo ku amray iney boorsada lacag ku shubro, kaash ma hayo ayay dhahday, balse wuu sii handaday, kedibna lacag ayey ku shubtay ka dibna waa baxsaday sida ay boolisku sheegeen.

Boolisku ma sheegin nooca hubka uu isticmaalay ilmaha yar iyo cadada lacagta uu dhacay.

Illaa iyo hadda ilmahaasi yar lama soo qaban. iyadoo xitaa hadii la soo qabto aan dacwad lagu soo oogi doonaan maadaama ilmaha 14 sano jir ka yar aysan danbi lahayn sida uu dhigayo sharciga dalka Jarmalka.

Balse Booliska ayaa doonaya in la ogaado inuu ilmahaasi yar iskiis falkaas u sameeyay ama in dad waaweyn ay ku dhiira geliyeen.

Dhinaca kale, 2 nin ayaa waxay shalay baabuur lacag badan waday ka dhaceen ku dhawaad 2 milyan oo Yuuro.

Falkan ayaa ka dhacay wadada A20 ee gobolka Mecklenburg-Vorpommern, waxayna laamiga dhigeen dhagxaan shub ah.

Laba baabuur ayay kala wateen, baabuurkii lacagta waday ayaa soo maray wadada, kedibna istaagay dhagxaanta dartood.

Laba bistoolad oo ay wateen ayey la soo baxeen burcadda, wajigana u qarsanaa, baabuurkii lacagta waday ayay dab qabad siiyeen, ka dib markii ay kala dageen sanduuqyadii lacagta oo ay la baxsadeen.

Saacado ka dib labadii baabuur ay wateen mid ka mid ah iyo sanduuqyadii oo furan oo lacagtii dhan ay kala bexeen ayay gubeen, meel keyn ahna uga tageen, iyagoo baabuurkii kale ku baxsaday.

“Waxay ahaayeen rag si weyn usoo diyaar garoobay, hal qof ma aysan dhaawacin, hal raad ama saameynna kama aysan tagin, ku dhawaad 2 milyan oo Yuurana way dhaceen” ayuu yiri sarkaal boolis ah oo sheegay iney dabagal iyo baaritaan ku hayaan raggaas.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment