Guddoomiyaha Baarlamaanka 'Somaliland' oo caddeeyay in Muuse Biixi hurinayo colaadda Laascaanood.

Bulsha:- Cabdirasaaq Khaliif oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka isku magacaabey Somaliland isla markaana ah masuulkii ugu sarreeyay ee beesha SSC ku metalayey Somaliland ayaa maanta warsaxaafadeed uu ku qabtey magaalada Laascaanood ku sheegay in Muuse Biixi uu doonayo in aan wax nabad ah laga gaarin xaaladda Laascaanood.

Khaliif waxa uu sheegay in kuwa loogu yeero Beesha Caalamka, isaga iyo garaaddaduba isla afgarteen in ciidanka la geeyo meel aaney iska arkeyn balse Muuse Biixi ku ballan furey isla markaana uu magaalada bomb-gareeyay.

Cabdirasaaq Khaliif waxa kale oo uu intaa raaciyey in ciidanka Somaliland ay si cadownimo ah u beegsadeen xarumihii shacabka sida cisbitaallada, gaar ahaan cisbitaalka magaalada Laascaanood oo la duqeeyay haamigii Oxygen-ta, Solar-tii sida oo kale waxa uu sheegay in la duqeeyay masaajiddii ay dadku ku tukanayeen. Dhanka kale waxa xusid mudan in Kornayl Muuse uu direy Cabdirisaaq Khaliif markii ay colaadda laascaanood bilaabantey laakiin intaa waxa laga soo daba saarayey warsaxaafadeedyo muujinaya in wixii loo direy looga baxay.

Muuse Biixi oo ayaa marar kala duwan isimada dhaqanku ku eedeeyeen been iyo ballanfur taas oo sida xogaha qaar sheegayaan xataa in ‘Bulshada Caalamku’ aamini waayeen. Ugu dambayn waxa Khaliif caddeeyay in aanu lamid ahayn Wasiirka Warfaafinta Koore iyo sarkaal Mahad Cambaashe oo dadkooda laynaya laakiin isagu uu yahay nin dadkiisu ay doorteen kuna shaqaynaya rabitaanka dadkii ka doortay magaalada Laascaanood intii Somaliland gacanta ku haysay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment