Xisbiga WADANI oo waji kale u yeelay xiisadda Laascaanood

Bulsha:- Musharaxa madaxweyne Xisbiga mucaaradka ah WADANI ee maamulka Somaliland ayaa mar kale ka hadlay xaaladda wali ka aloosan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Cabdirxamaan Cirro oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in gacmo shisheeye ay ku lug leeyihiin hurinta xiisadda magaalada Laascaanood oo ciidanka Somaliland dagaal looga qabsaday.

“Gacmaha shisheeye waxaan uga digeynaa inay kala baxana faraha arrinta Laascaanood. Shacbiga Sool waxay kamid yihiin shacbiga Somaliland,” ayuu yiri Ciro.

Mr. Cirro ma bixin faah faahin dheeri ah oo ku aadan cida uu ula jeedo gacmaha shisheeye, waxaase jirray qeyla dhaan ka soo yeertay dowladda oo ku aadan in Somaliland culeyska ka qaaso magaalada Laascaanood oo wixii jirana wadahadal lagu dhameeyo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu dhanka kale tilmaanay in amniga gobolka Sool iyo shacabka halkaasi ku nool uu saaran yahay xukuumadda Somaliland, si lamid ah amniga magaalooyinka kale ee maamulkaasi.

“Ammaanka shacbiga Sool iyo magaalada Laascaanood wuxuu saaran yahay xukuumadda Somaliland, sida uu u saaran yahay ammaanka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo, Berbera iyo Boorame, laascaanood waa Somaliland dhibka ka dhacay wuxuu u yaalla Somaliland dadka aan waxba ku kordhineynin xallintaba dhibaatadaas waxaanu leenahay faraha ka qaada” ayuu yiri musharraxa madaxweyne ee garabka Xisbiga Mucaaradka ee Wadani.

Si kastaba, xaaladda Laascaanood ayaa dagan wixii ka danbeeyay markii ciidanka Somaliland magaalada laga saaray, waxaana wali duleedka magaalada isku-hor fadhiya ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka oo kacdoonla hormuudka u ahaa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment