Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka jawaabay tallaabadii Puntland – “Soomaaliya waa hal”

Bulsha:- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka keediyay shirka arrimaha Garsoorka dalka oo maanta ka furmay Muqdisho ayaa si kulul uga hadlay go’aankii dhowan kasoo baxay Puntland ee ay ku shaacisay inay u dhaqmeyso, sida dowlad ka madax bannaan oo kale.

Xasan Sheekh Maxamuud oo si dadban ugu jawaabay Puntland ayaa shaaciyay in si qaldan loo fahmay nidaamka federaalka, isaga oo shaaciyay in aan la kala qaybin karin dalka.

“Dalkaan laba wax-yaabood inaan la’isku qaldin ayaan rabaa. Dalka in la federaaleeyo waa mid dalka in la’isku haayaa oo mid noqdanaa waa mid kale,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hal dowlad oo ah dowladda dhexe ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

“Dalka in la federaaleeyo micnaheeda ma aha in dalka uu kala tego oo qofba meesha ay rabto ay iska aadi karto ma aha. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyad la yiraahdo ayaan nahay hal dowlad ayaa nahay,” ayuu sii raaciyay madaxweyne Xasan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dalka oo dhan ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe maamul goboleedyadana ay mas’uul ka yihiin arrimaha gudaha ee maamulladooda.

“Waxa kasta oo muwaadinka Soomaaliyeed ee Raas Gaambooni jooga iyokan Raas Caseer jooga iyo kan lowyacadde jooga wada taabanayo dowladda dhexe ayaa mas’uul ka ah, dowlad goboleed mas’uul kama aha,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh.


Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay “Jasiirado kala xir xiran oo midba midka kale difaac uga jiro ma aha”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dood adag ay ka dhalatay go’aankii kasoo baxay Puntland, kaas oo uga sii daray xiisadda kala dhexeysa dowladda federaalka, waxaana sidoo kale arrintaan ka dhashay walaac xoogan oo ku aadan tallaabada uu qaaday Deni.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment