TPLF oo bilawday wareejinta hubka culus oo qayb ka ahaa heshiiskii nabadeed

Bulsha:-  Ciidamada Milateriga ee Ethiopia ayaa sheegay in ciidamada Tigreegu ay bilaabeen inay hubka culus wareejiyaan, taas oo qayb ka ah heshiiska nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaaladii sokeeyey ee dalka Ethiopia ka socday labadii sano ee la soo dhaafay.

Ciidamada difaace ee Ethiopia ayaa bayaan ay soo saareen Arbacadii ku xaqiijiyey in ciidamada Tigray-gu ay bilaabeen wareejinta hubka culus, taasoo noqonaysa horumarkii ugu dambeeyey ee la xidhiidha heshiiskii nabadeed ee labada dhinac ay kala saxeexdeen bishii November.


Bayaanka ka soo baxay ciidamada milateriga ayaa lagu sheegay in wareegi koowaad ee wareejinta hubka culus inay ka dhacday xerada Agula oo 36 KM u jirta caasimadda Tigray ee Mekelle.

Taliyaha ciidamada Itoobiya gaashaanle sare Aleme Tadele ayaa sheegay in hubka lagu wareejiyey ay isugu jireen taangiyo, gantaallo iyo hoobiyayaal.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in kormeerayaal ka socda Midawga Afrika iyo milateriga wadamo kala duwani inay goobjoog u ahaayeen arrintan, si ay u xaqiijiyaan wareejinta hubka.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa subaxnimadii hore ee Arbacada wuxuu soo dhigay bartiida Twitterka arrinta la xidhiidha wareejinta hubka.


Afhayeenka ayaa sheegay inuu rajaynayo in tallaabadani ay dedejiso in heshiisku dhaqangalo si dhamaystiran.

Warbixintan waxaa qoray Maya Misikir










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment