Sharci-dejiyayaasha Maraykanka iyo Brazil oo iska kaashanaya baadhitaanka weerarkii baarlamaanka Brazil

Bulsha:- Kaaliyayaasha sharci-dejiyayaasha Maraykanka ee ka tirsan guddidii baadhaysay weerarkii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka ayaa wadahadal hor-dhac ah la yeeshay baarlamaanka dalka Brazil, iyaga oo doonaya in la iska kaashado, baadhitaan lagu sameeyo, mudaharaadayaashii qabsaday aqalka baarlamaanka ee Brazil. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay laba qof oo arrintan si dhow ula socday.

Mudaharaadayaashaas ayaa ugu baaqayey milateriga dalkaas inay inqilaab ku sameeyaan madaxweynaha Brazil.

Bennie Thompson oo ka tirsan aqalka wakiillada ee Maraykanka oo guddoomiye ka ahaa guddidii dhowaan la kala diray ee baadhaysay dhacdadii 6-da January ee lagu qaaday aqalka baarlamaanka ee Maraykanka sannadkii 2021, ayaa la sheegay inuu ka mid yahay xubnaha Congresska ee xafiiskoodu uu ku hawlan yahay wadahadalada lala sameeyey baarlamaanka Brazil.

Guddoomiyaha aqalka Senateka ee dalka Brazil Rodrigo Pacheco ayaa isaga laftiisu wuxuu fikradda ah in macluumaadka la isweydaarsado kala hadlay diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka ee ku sugan dalka Brazil, sida laga soo xigtay qof saddexaad oo arrintan xogogaal u ah.

Wararka laga helay Pacheco ayaa sheegaya in sii hayaha safaaradda Maraykanka ee Brazil Douglas Koneff, inuu soo dhoweeyey aragtida ah in la wadaago macluumaadka.


Xafiiska Pacheco iyo safaaradda Maraykanka, midna kama jawaabin warkan.

Reuters.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment