RW Xamse oo si dadban ugu jawaabay Madaxweynaha Puntland

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa si dadbadan waxaa uu ugu jawaaqay Go’aankii kasoo yeeray dowlad Goboleedka Puntland ee ahaa inay u dhaqmi karaan sida dowlad Madax bannaan oo kale, iyaga oo tabaso ka qaba dowladda Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadal ka jeediyay kulan uu la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka masar ayaa sheegay in sanadkaan ay Xukuumadda Soomaliya qorsheyneyso inay ku dhaqaaqdo tallabooyin dhowr ah oo u qabsooma, sida dhameystirka dastuurka iyo in dalka oo dhan laga saaro Al-Shabaab.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaaraha sigaar ah uga hadlay dhameystirka Dastuurka qabyada ah oo uu sheegay inay jiraan qlo markasta ka qeylo dhaamisa, isaga oo sheegay inay qasab tahay in dastuurka sanadkaan gudihiisa la dhameystiro si loogu Shaqeeyo.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan Madaxtooyada Puntland War kasoo baxay lagu sheegay in Puntland ay sida dowlad madax bannaan oo kale u dhaqmi doonto ilaa laga dhameytirayo dastuurka dalka.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment