Dowladda Jabuuti oo saxeexday heshiis ay ku sameysaneyso dayax-gacmeed

Bulsha:-  Mas’uuliyiinta dalka Jabuuti ayaa heshiis horudhac la galay koox qaabilsan teknooloojiyadda hawada sare oo ka socota Hong Kong kasoo ku saabsan horumarinta qalabka iyo gantaallada dayax gacmeedka laga rido xilli Jabuuti ay ku howlan tahay sameynta xarun laga diro dayax-gacmeedka.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa goob joog ka ahaa heshiiska, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Jabuuti.

Mashruuca dayaxgacmeedka Jabuuti waxaa ku bixi doonaa $1 bilyan oo doolar, wuxuu qaadan doonaa muddo shano sano ah.

Sidoo kale waxaa mashruuca qeyb ka ah in deked iyo waddo laga dhiso gobolka waqooyiga dhaca ee Obokh.

 


Office Nairobi Kenya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment