Isbahaysiga NATO oo ka arrinsan doona Xaalladaha Colaadeed ee dalka Ukraine

Bulsha:-  Taliyayaasha Guud iyo Madaxda Ciiddamada Hubeysan ee dalalka xubnaha ka ah Isbahaysiga (NATO) ayaa la sheegay inay bishan January 18-da ilaa 19-da Kulan khaas ah ku yeelan doonaan Xaruntooda Dhexe ee ku taalla Caasimadda dalka Belgium ee Brussels.

Waa Kulankii u horeeyey ee sanadkan ee ay Golaha Milliteriga ee Isbahaysiga NATO yeeshaan, si ay uga baaraan-degaan Ajendayaal  ay ugu muhiimsan yihiin Istaraatijiyada muhiimka u ah NATO, Xaalladaha ka jira dalka Ukraine iyo Taageerada sii socota ee ka dhanka ah Duullaanka Raashiya ku hayaan Ukraine.

Qoraal shalay lagu daabacay Websaytka NATO NATO lagu xusay in uu Kulankaasi guddoomin doono Admiral Rob Bauer oo ah Madaxa Guddiga Milliteriga ee Isbahaysiga NATO, iyadoo ay Taliyayaasha Guud ee 32-ka dal ee ka tirsan Isbahaysigaasi (the NATO Military Committee in Chiefs of Defense Session (MCCS) ka soo qeyb geli doonaan oo lagu casuumay dhigooda dalalka Sweden iyo Finland oo aan weli xubin ka noqoin Isbahaysiga NATO.

Dhanka kale,  Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga NATO, Jens Stoltenberg ayaa iyagana Warbixin siin doona Guddiga Milliteriga ee Isbahaysiga NATO arrimihii ugu dambeeyey Siyaasadda, caqabadaha dhanka Amaanka ee ku soo wajahan Isbahaysiga NATO.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment