Degmada ka tirsan Gobolka Hiiraan oo lagala wareegay Al-Shabaab

Bulsha:- Howlgal ka dhan ahaa Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa laga sameeyay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan gaar ahaan deegaanada dhaca galbeedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Howlagalkaan oo ay sameeyeeen ciidamada dib u xoreynta deegaanka ayaa waxa ay kula wareegeen Degmada buq-matoor oo 60 km dhanka galbeedka kaga beegan magaalada Beledweyne ee gobolka hiiraan kadib markii weerar qorsheeysan oo ay ku qaadeen degaankaas oo ay fariisin ku lahaayeen Al-Shabaab.

Dagaal Kooban oo ka dhacay degankaas ayaa u Suurgashay  ciidamada inay la wareegaan sida ay sheegeen saraakiisha hogamineysay ciidamada degaanka ee howlgalkan fuliyay.

Deegaanka Buq-matoor ee galbeedka Beledweyne ayaa kamid ah degaanada ay Al-Shabaab ka joogeen gobolka hiiraan ee maamulka Hir-Shabeelle, waxaana ciidamadu ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ay wadaan ciidamadu kuwaas oo ay tilmaameen inay ku sugayaan amniga degaanka, waxa ay sidoo kale tilmaameen in howlgaladu sii socon doonaan inta Al-Shabaab ay ka saarayaan qeybaha ay kaga harsanyihiin gobalka Hiiraan.












Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment