Xulka Morocco: Rajada keliya ee Afrika iyo Carabta ee Koobka Adduunka

Bulsha:- Xulka K/cagta ee Morocco oo awooddiisa kusoo bandhigay Koobka Adduunka ayaa noqotay mid ka mid ah lama filaanka ugu weyn ee tartankan, kadib markii ay kusoo baxeen kaalinta koowaad group ay ku jireen Croatia oo timid finalkii koobkii 2018 iyo Belgium oo timid semi-finalka.


Morocco ayaa laga dhaliyay hal gool oo kaliya seddexdii kulan ee ay ciyaartay Group-keeda, iyada oo taageereyaal badan ka heshay dadka waddanka marti-gelinaya ee Qadar iyo sidoo kale taageryaashii afarta waddan ee kale ee carabta ahaa.

Sidoo kale Morocco ayaa xambaarsan rajada qaaradda Africa, kadib markii Axaddii uu xulka England Koobka Adduunka ka reebay xulka Senegal, waxaana Morocco noqoneysaa xulkii ugu dambeeyay ee Carab iyo African ah.


"Qof walba wuxuu rabaa inuu yimaado Doha," ayuu yiri tababaraha Morocco Walid Regragui, oo xulkan la wareegay bishii Agoosto. "Waxaan buuxin karnaa laba garoon." ayuu raaciyay.

Morocco ayaa maanta la ciyaareysa waddanka ay deriska yihiin ee Spain, isla markaana uu ka dhexeeyo xiriirka dhow, waxaana taageereyaasha Africa iyo duniga Carabtu ay rajeynayaa inay badiso ciyaartan.

Goolhayaha Morocco Yassine Bounou iyo weeraryahan Youssef En-Nesyri ayaa labaduba ka ciyaara Spain, iyaga oo u ciyaaraa kooxda Sevilla. Laacibka daafaca midig ee Achraf Hakimi ee u ciyaara kooxda Paris Saint-Germain, ayaa isna ku dhashay Madrid, halka Regragui isna kasoo ciyaaray kooxda Racing Santander ee horyaalkaa Laligaha Spain.


Qaar badan oo ka mid ah ciyaartoyda Morocco waxay ku hadla Isbaanish, iyada oo shaqaalaha caafimaadka ee xulkan ay yihin Isbaanish.

“Morocco waa waddan aan xiriir wanaagsan la leenahay,” ayuu yiri tababaraha xulka Spain Luis Enrique oo inaas raaciyay inuu filayo ciyaar wanaagsan.

Spain ayaa sidoo kale la ciyaartay Morocco ciyaartii ugu dambeysay ee qeybaha ee Koobkii Adduunka ee 2018, kaasoo ku dhamaaday 2-2.

Wixii kusoo kordha ciyaaran halkan ayaad kala socon doontaan.

AP.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment