Madaxweyne Laftagareen oo ku laabtay Baydhabo, kuna dhawaaqay go’aan culus

Bulsha:- Madaxweynaha Dawlad Gobaleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulkiisa, kadib safar qaatay maalmo oo uu dalka dibeddiisa ugu maqnaa.

Madaxweyne Laftagareen ayaa soo laabashadiisii kadib kulan deg-deg ah isugu yeeray saraakiisha Hay’addaaha Amniga Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa looga hadlay xaalada Amni ee deegaanka KGS, iyo siddii loo bilaabi lahaa howlgal ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada ay ka heystaan maamulkaas.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa faray laamaha amniga Koonfur Galbeed qaadista guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, iyadoo howlgalladu ka bilaaban doonaan nawaaxiga magaalada Baydhabo.

Soo laabashada iyo Go’aan Madaxweyne Laftagareen, ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor ay mucaaradka Koonfur Galbeed ay ku dhawaaqeen Gole ay ku mideysan yihiin, iyo la qabto doorashada Madaxweynaha.


Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa waxaa 19ka bishan December, u buuxsamaya afar sano oo uu xafiiska joogay, balse horaantii xukunkiisa ayuu sameystay muddo kordhin 1 sano ah, Mucaaradka Koonfur Galbeed ayaana ka horyimid muddo kororsigiisa.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment