Xulalka Ghana iyo Cameroon oo ka huleelay Koobka Adduunka

Bulsha:- Xulalka Ghana iyo Uruguay ayaa ka haray Koobka Adduunka, kadib markii ay wada ciyaareen kulan adag oo ka tirsanaan qeytbta H, waxaana kulankaas 2-0 ku adkaaday Uruguay, hase yeeshe laduba waxay ka huleeleen Qadar.

Gool dhammaankii ciyaarta uu xulka South Korea u dhaliyay ciyaaryahankooda Hwang Hee-chan ayaa sababay in South Korea 2-1 ay kaga badiyeen Portugal, waxayna u soo baxeen wareega 16 ka ee Group H, kaas oo sidoo kale sababay niyad jabka Uruguay.

Portugal ayaa ku soo baxday kaalinta 1-aad ee Group-kan, halka South Korea ay soo gashay kaalinta 2-aad.

Dhinaca qeybta G, xulka Cameroon ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka badiya Brazil, kadib markii ay 1-0 kaga adkaadeen ciyaartii ka dhacay garoonka Lusali.

Vincent Abubakar ayaa dhaliyay goolka Cameroon, laakiin guusha Cameeroon ayaa noqotay mid aan waxtar laheyn maadaama xulka Swetzerland uu 3-2 uga soo badiyay Serbia.

Qeybta waxaa kasoo baxay Brazil iyo Swetzerland, halka Cameroon iyo Serbia ay ka shiraacdeen Qadar.

Ciyaarihii shalay ayaa ahaa kuwii ugu dambeeyay ee kulamada groupyada, iyada oo maanta ay bilaaban doonaan kulamada weegga 16-ka ee kala baxa ah.

AP.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment