Xildhibaano golaha shacabka ah oo mooshin u gudbiyay gudoonka BF.

Bulsha:- Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta mooshin u gudbiyay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaashan oo tiradooda ay tahay 22 xildhibaan ayaa mooshinka ku dalbanaya in laga doodo Amniga dalka iyo Xasaanadda Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar kamid ah xildhibaanada wax ka saxiixay mooshinkan ayaa soo jeediyay in kulanka maanta lagu soo daaro ajendahan, si ay dood adag uga yeeshaan habacsanaanta amni ee jirta, cid gaar ahna ay u qaadato mas’uuliyada fashilka amniga ee jira.

Kulanka maanta re baarlamaanka ayaa ajandihiisu ahaa qeybinta akhrinta 1aad ee Hindisa Sharciyeedka Korantada & Warbixinta Xildhibaanada, balse waxaa la horkeenay mooshin ay saxiixeen 22 Xildhibaan, kaas oo ah in laga hadlo Arrimaha Amniga, lana hakiyo Ajandayaasha kale.


Arrintan ayaa imaneyso todobo maalin kadib markii kooxda Al-Shabaab ay gudaha u gashay hoteelka Villa Rosa oo kaabiga ku haya madaxtooyada, waxaana weerarkaas oo ay ku naf waayee 15 ruux uu abuuray tuhun ah in kooxda weerarka loo fududeeyay oo laga soo gudbiyay baraha kontrol ee madaxtooyada laga ilaaliyo.Xildhibaano golaha shacabka ah oo mooshin u gudbiyay gudoonka BF.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment