Shirkadda Apple oo wax soo saarkeeda Telefoonada ka wareejinaysa Shiinaha

Bulsha:- Wargeysaka Wall Street Journal ayaa sheegay in shirkadda telefoonada soo saarta ee Apple inay dardargelinayso qorshaha ay uga guurayso dalka Shiinaha iyada oo wax-soosaarkeeda u wareejinaysa wadamo kale oo ku yaalla qaaradda Asia, sida Hindiya iyo Vietnam.

Inkasta oo ay jiraan culaysyo kala duwan oo arrintan keenay, haddana mid ka mida tallaabooyinka soo dedejiyey in shirkaddu ay ka guurto dalka Shiinaha ayay ku jiraan, siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID ee loo yaqaan ‘China Zero Covid Policy’ taas oo curyaamisay wax soo saarkii shirkadda ee dalkaas.

Siyaasadda Shiinaha ee xakamaynta cudurka COVID waxay shirkado badan oo caalami ah ku khasabtay inay ka guuraan dalka Shiinaha iyaga oo ka hor tegaya inay khalkhasho, silsiladda sahaydoodu. Inkasta oo Shiinuhu uu haatan qarka u saaran yahay inuu debciyo xannibaadaha COVID, haddana weli hubanti la’aantu way taagan tahay.


Shirkadaha waaweyn ayaa fursad u arka Hindiya inay noqon karto dal bedeli kara Shiinaha oo kula tartami kara suuqa wax soosaarka.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment