Mareykanka oo cunaqabatayn kusoo rogay ganacsade Turkish ah

Bulsha:- Dowladda Mareykanka ayaa Khamiistii cunaqabatayn kusoo rogtay ganacsadaha caanka ee Turkish-ka ah Sitki Ayan, oo lagu eedeeyey inuu ka howlgaley shabakd ganacsi oo maamuleysay saliid lagu qiimeyey boqolaal milyan oo dollar oo ay leeyihiin Ilaalada Kacaanka Iran.

Ayan, oo ku dhow madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, wiil uu dhalay Ayan, iyo sarkaal ciidan ayaa lagu daray liiska cunaqabataynta wsaaaradda maaliyadda Mareykanka.

Waxaa la hakiyey hanti kasta oo shaqsiyaadkaas ka taalla Mareykanka, waxaana lagana mamnuucay inay galaangal ku yeeshaan suuqyada maaliyadeed iyo ganacsiga adduunka.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in Ayan uu ka caawiyey Guutada Quds oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah fududeynta iibka saliid ay maamusho oo la geeyey Shiinaha, Bariga Asia, Yurub iyo Imaaraadka Carabta.

Waxa uu gacan ka gaystay in lacagta kasoo baxday iibka uu gaarsiiyo Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah, ayey tiri wasaaradda maaliyadda.

Waxa ay sheegtay inuu isticmaalay shabakadda shirkadihiisa ASB Group ee ka diwaan-gashan Gibraltar si uu u qariyo asalka saliidda iyo halka ay ku socoto lacagta.


Ayan ayaa sidoo kale u adeegsaday mid ka mid ah shirkadihiisa si uu Ilaalada Kacaanka ugu soo iibiyo markab qaada gaaska dabiici ah oo sita calanka Panama, ayay tiri.

Waxaa sidoo kale liiska xayiraadda lagu daray Kasim Oztas, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ASB Group, kaasi oo “maamula inta badan gacansiga Ayan,” iyo wiilka Ayan oo lagu magacaabo Bahaddin Ayan.

Wasaaradda Maaliyadda ayaa sidoo kale cunaqabatayn kusoo rogtay 20 shirkadood oo hoos taga ASB Group iyo shabakadda Ayan.

AFP










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment