SAWIRO:- Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay degaano horay looga qabsaday

Bulsha:- CIidamada xoogga dalka Soomaaliyed Gaar ahaan Taliska Guutada 8aad Qeybta 60aad ayaa la wareegay Gacan ku haynta degaannada Daynuunaay iyo Moodo moodo oo katirsan Gobalka Baay.

Howlgal ay Ciidamada saaka Waaberigii hore fuliyeen ayay u suurto gashay inay sinabad ah Ciidamada kula wareegaan degaannada Deeynuunaay iyo Mooda moodo kadib markii ay isaga baxeen Ururka Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalks qeybta 60aad ayaa sheegay inay guud ahaan xaqiijiyeen Amniga labada degaanka, isla markaana ay gudaha degaannada ka wadaan howlgallo miino baaris ah.

Degaannada Deeynuunaay iyo Mooda Mooda ee Gobolka Baay oo ay Maanta Ciidamada la wareegeen ayaa todobaadkii hore waxaa dagaal kula wareegeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment