Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisada ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.


Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment