Mbappe oo farriin u diray Ashraf Xakimi ka dib guuldaraddii Morocco

Bulsha:- Ka dib ciyaartii afar dhamaadka ee Koobka Adduunka ee xalay dhexmartay xulalka Faransiiska iyo Morocco taas oo laba iyo eber looga badiyay Morocco oo ah dalkii ugu horreeyay oo Afrika ka socda oo soo gaara Sami finaalka ayuu farriintan Mbappe u diray saaxibkii Xakiimi.

“Walaalkeygigow ha murugoon, qof walba waa uu ku faanayaa wixi aad sameysay, taariikh ayaad dhigtay.”

Labada laacib ayaa waxay ka wada tirsan yihiin kooxda PSG ee ka dhisan Faransiiska.

Hakimi, oo ku dhashay Madrid, una ciyaari karay Spain, ayaa doortay inuu u ciyaaro Morocco.

Ashraf Xakimi waxa uu ka soo baxay machadka kubadda cagta ee Real Madrid ka hor inta aan amaah loogu dirin naadiga Borussia Dortmund. Halkaas ayuu hibadiisa kubadda cagta ku soo bandhigay ka dib laba sannadood oo uu joogay.

Ka dib Real ayaa ka iibisay naadiga Talyaaniga ka dhisan ee Inter Milan oo iyadana markii dambe ka iibisay PSG.

Mbappe ayaa 19 jir ahaa markii uu dowr muhiim ah ka ciyaarayay guushii Faransiiska uu ka gaaray Koobkii Adduunka ee 2018, markaas oo uu dhaliyay afar gool.

Goolkii uu Croatia ka dhaliyay ciyaartii 4-2 ku soo dhammaatay ayaa ka dhigtay inuu noqdo ciyaaryahankii labaad ee da’yar ee finaalka Koobka Adduunka gool dhaliya, kaddib markii uu sidaas sameeyay laacibka reer Brazil ee Pele 1958.


Mbappe haatan isaga iyo Messi ayaa wada hoggaaminaya gool dhalinta tartanka Qatar ka socda oo min shan gool ayey dhaliyeen, Koobka Adduunkana waxa uu ka dhaliyay 9 gool isagoo sidaas uga hormaray laacibkii waynaa ee Diego Maradona, kaas oo siddeed gool u dhaliyay xulka Argentina, laacibka reer Burtaqiis ee Cristiano Ronaldo.

Office Nairobi Kenya










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment