Dagaal yahanada Tigreyga oo soo faarujiyay furimaha dagaalka.

Bulsha:- Madaxa ciidamada fallaagada Tigrayga ee waqooyiga Itoobiya ayaa sheegay in boqolkiiba lixdan iyo shan ka mid ah dagaalyahannadooda ay ka baxeen furimaha dagaalka.

Arintaan ayaa ku soo beegmaysa bil kadib markii heshiis xabad joojin ah ay la saxiixdeen dowlada.

Tadesse Werede, oo ah madaxa guud ee ciidamada Tigreega ayaa sheegay in ay u dhaqaaqeen goobo cayiman. Inkastoo ay saxiixeen heshiis hub ka dhigis ah, Jabhadda Xoreynta Tigrayga ayaa sheegtay inaysan ka tanaasuli doonin hubkeeda haddii aysan ciidamada Eritrea iyo kuwa ka socda gobollada deriska la ah Itoobiya aysan ka bixin Tigrayga.

Maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha gargaarka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka xulafada la ah ay sii wadeen dilalka iyo tacadiyada dadka rayidka ah ee Tigrayga.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment