Wasiirka Amniga oo ku dhaawacmay weerarka Villa Rosa iyo mas’uuliyiin ku go’doonsan.

Bulsha:- Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar fiidkii hore ee caawa lagu qaaday hoteelka Vila Rose ee ku yaala nawaaxiga xarunta NISA ee magaalada Muqdisho.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo Ismiidaamin ahaa waxaa xigay dagaal toos ah, iyadoo xaaladda ay tahay mid aad u cakiran.

Kooxda Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada weerarkan ayaa shaacisay in maleeshiyaadkooda ay ka dhex dagaalamayaan aagga madaxtooyada, iyagoo si rasmi ah aaney u shaacin bartilmaameedkooda.

Waxaa jira khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh oo weerarkan ka dhashay, dadka dhaawacyada ah waxaa kamid ah Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxmed Axmed Doodisho oo xiliga weerarka ku sugnaa goobta.

Xildhibaano, Wasiiro iyo siyaasiyiin hore ayaa ku sugnaa hoteelka xiliga la weeraray, iyadoo qaarkood la soo sheegay in la soo badbaadiyay, halka kuwo kalena gudaha hoteelka ay ku jiraan.


Ciidamadda amaanka ayaa gudaha hoteelka kula dagaalamaya kooxda, iyadoo gurmadyo kala duwan ay halkaasi tagayaan.Wasiirka Amniga oo ku dhaawacmay weerarka Villa Rosa iyo mas’uuliyiin ku go’doonsan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment