Shakiyo hareeyay in loo fududeeyay kooxda Al-Shabaab gaarista Villa Rosa.

Bulsha:- Waxaa shaki iyo su’aalo badan hareeyay weerar in ka badan 10 sacaadood qaatay oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen dhismaha Hoteelka Villa Rosa oo ku yaalla inta u dhaxeysa Tiyaatarka Qaranka iyo godka Jilicow.

Hoteelka Villa Rose, waxa uu ku yaal xayndaabka sida wayn loo ilaaliyo ee ay ku taal xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia, ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka caaggan yihiin inay galaan gawaarida dadweynaha iyo kuwa ay wataan dadka shacabka ah.

Sidaas oo ay tahayse waxaa muuqata in ragga weerrarka soo qaaday ay ka gudbeen baro koontorool badan oo aad loo ilaaliyo, kaddibna ay hoteelka weerrar ku ekeeyeen.

Dad badan ayaa su’aal ka keenay sida dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ugu suuragashay inay u gudbaan halkaas oo ay weerrarka intaasi la eg ka gaystaan.

Dadka amniga ka faallooda waxa ay sheegayaan in maadaama Shabaab uu culays badan ka saaran yahay gobollada dhexe oo uu dagaal ku haysto, ay weerraradan ka dhacaya Muqdisho oo ah ubucda dowladda ay ku muujinayaan inay weli jiraan, isagana khafiifiyaan culayska ay wajahayaan

Bishii Agoosto 20-keedii ayey aheyd markii ay Al-Shabaab weerrar ku galeen hoteel Xayaat ee magaalada Muqdisho halkaas oo lagu dilay in ka badan 20 qof.

29-kii Oktoobar-na laba qarax oo waa wayn ayaa lagu weerraray dhismaha wasaaradda waxbarashada ee ku yaal isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, halkaas oo Iyana lagu dilay in ka badan 120 qof, halka dhowr iyo toban qofna illaa iyo haatan la la’yahay halka ay jaan iyo cirib dhigeen.


Weerarka Villa Rosa ayaa kusoo aaday maalin kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ka soo laabtay difaacyada hore ee ciidamadda dowladda ee gobolka Sh.Dhexe, iyadoo haatan uu dagaalka ka socdo dhabarka danbe ee madaxtooyada, waxaana hubka la isu adeegsanayo si toos ah looga maqlayaa gudaha madaxtooyada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment